SHIRKA
BAYDHABO OO KA GUDBI WAAYAY XAL U HELIDA LUUQADA MAAYGA
28 December 2013
Fashilka ku yimid shirka Baydhabo maahan wax lala yaabo ee waa mid ay sugayeen dadka u dheg taagayay iney wax kasoo baxaan shirkaas.
Sababtoo ah waxaa si laab la kac
ah ay siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Raxanweyn ku baaqeen iney sameyn
doonaan waxa ay ugu yeereen 6da gobol ee koonfur galbeed
Waxaa hal mar arintaa u riyaaqay
dadka ku nool gobolada Baay iyo Bakool, iyagoo ku riyoonayay iney mar
uun arkaan 6 Gobol oo laga xukumo degmada Baydhabo.
Waxaa riyadooda naxuus ka dhigay
is barbar yaaca ka yimid shirka, waxaadna moodaa siyaasiyiinta beesha
Raxanweyn iney kala garan waayeen dadka 6da Gobol degan iney
fahmayaan ama ku hadlaan Luuqada maayga oo goor walba looga qudbeeyo
shirka iyo kasoo qeyb galayaasha martida shirka ee ka yimid 6da gobol
ee qaarkood aysan ku hadlin luuqada Maayga oo ka ama kaaksan waxa
meesha ka socda
Waxaa kasoo qeyb galayaasha shirka
mar walba dhagahooda kusoo dhacaya unukoo ene beesha DIGIL IYO
MIRIFLE oo aysan iyagu kamid aheyn loogu sheegaa in maamulka koonfur
galbeed loo dhisayo beesha DIGIL IYO MIRIFLE
Waxaa isweydiin mudan hadii dadka
shirka ka wada qeyb galay aysan aheyn DIGIL IYO MIRIFLE oo aysan
aqoonin luuqada Maayga maxey shirkaas ka qabanayaan dadka aan beesha
Baydhabo u dhalanin?
Arimahaan iyo arimo kale ayaa
waxey keentay in Shariif sakiin uu xal moodo in Baay iyo Bakool lagu
koobo maamulka shirka Baydhabo maadaama uu shirku ka dhamaan la yahay
ku hadalka luuqada Maayga iyo DIGIL iyo MIRIFLE
Halka kooxda garabka aadan
madoobe ay ku adkeeysanayaan in 6da Gobol ay joogaan dad luuqada
Maayga ku hadla,, hadaba waxaa dad badan ay isweeydiiyeen maaygu inuu
luuqad yahay ama qabiil yahay?
Sida luuqada maxaa tiriga oo ah
luuqad ee aan aheyn qabiil
Waxaa lagu xantaa in is barbar
yaaca shirka ay sabab u tahay Siyaasiyiinta hor boodaya arima shirka
oo aan u bisleyn siyaasada isla markaasna aan lagu aqoon jirin
maslaxa siyaasada Soomaaliya marka laga reebo Zoobihii geeriyooday:.
Siyaasiyiintaan ayaa ay isaga qasmeen arimaha Qabiilka, Luuqada iyo
Deegaanka
Hadaba Shirka aan is ogeyn ee
Baydhabo maxaad u maleynaysaan inay kasoo bixi karaan?????
Wabilaahi Toowfiiq
Madaxweynaha Baraaweland State
Avv: Abdulrazak Omar N Shego
