Sunday, 8 December 2013

SHIR LOOGA HADLAYO XOREYNTA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE OO LAGU QABTAY MAGAALADA NAIROBI


SHIR LOOGA HADLAYO XOREYNTA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE OO LAGU QABTAY MAGAALADA NAIROBI
8 December 2013

Shir  ay soo abaabuleen jaaliyada ku dhaqan dalkan Kenya ee kasoo jeeda gobolka shabeelada Hoose gaar ahaan degmooyinka Baraawe, Sablaale, Jilib iyo deegaanada ku xeeran ayaa galabta lagu qabtay magaalada Nairobi ee xaafada ilsii.
Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay Madaxweynaha Maamulka Baraaweland state Mudane AVV: Abdulrazak OMAR, iyo wax garad kale oo katirsan dhalin yaro isugu jira rag iyo dumar.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arimo khuseeya Gobolka Shabeelada Hoose oo ay ka mid yihiin
·        1. Heysashada Gobolka ee kooxaha khawaarijta Al-shabaab
·        2.   Sidii kooxahaas gobolka looga saari lahaa
·   3. Sidii dib loogu soocelin lahaa dadkii bara kacayaasha ee horay uga barakacay deegaanka
·       4. Wax barasho la aanta gobolka ka jirta
·       5.   Dar yeel la aanta Caafimaad ee gobolka ka jirta
·      6. Mideynta dhalinyarada gobolka iyo suurta galnimada in lagu dhawaaqo urur dib looga xoreynaayo haraadiga kooxaha khawaarijta Al-shabaab ee deeganada gobolka ka dhigtay fariisimo

Wada hadal dheer kadib waxaa shirkaa dhalinyarada ay isku af garteen:

1.     In Dowlada Federaalka ay ciidamo  dhalinyarada deegaanka ah ku darto ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM iyadoo Dowlada kala tashaneysa madaxda deegaanaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Baraawe iyo deegaanada kale ee ku xeeran ee cadowga gacanta weli  ugu jira
2.     In dadka u dhashay deegaanada Baraawe iyo nawaaxigeeda ay isu soo baxyo ka dhigaan LONDON, AMERIKA, SOOMAALIYA si ay u muujiyaan afkaartooda ku wajahan xoreynta Gobolka sh. Hoose
3.     In  xildhibaanada iyo siyaasiyiinta u dhashay deegaanada gobolka ay si wada jir ah u taageeraan shirkaan ka dhacay Nairobi iyagoo tix raacayana  Go’aanada shirka kalana hadlaan Dowlada Federaalka Soomaaliya

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadlay madaxweynaha Baraaweland State mudane Avv: Abdulrazak OMAR oo soo dhaweeyay banaan baxyadii dhawaan ka dhacay N0 50 ee looga soo horjeeday Heysashada kooxaha khawaarijta ee degmada Baraawe, mudane Abdulrazak ayaa inaa ku daray in Baraawe ay halis ugu jirto duulaamo kaga yimaada xaga bada, cirka iyo dhulka oo lagu beeg sanaayo argagixisada caalamiga ah ee gabaadka ka dhigtay Deegaanka Baraawe.
Ugu dambeyntii ayaa mudane Abdulrazak wuxuu ugu baaqay in midoowga dhalinyarada ee deegaanka ay tahay talaabooyinka dagaal ee dhabar jabka ku ah kooxaha khawaarijta Al-shabaab
Dowlada Federaalka aad ayaanan u taageereynaa wada shaqeyn wacan

No comments:

Post a Comment