Friday, 27 December 2013

SHIRKA BAYDHABO OO KA GUDBI WAAYAY XAL U HELIDA LUUQADA MAAYGA
28 December 2013

Fashilka ku yimid shirka Baydhabo maahan wax lala yaabo ee waa mid ay sugayeen dadka u dheg taagayay iney wax kasoo baxaan shirkaas.

Sababtoo ah waxaa si laab la kac ah ay siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Raxanweyn ku baaqeen iney sameyn doonaan waxa ay ugu yeereen 6da gobol ee koonfur galbeed

Waxaa hal mar arintaa u riyaaqay dadka ku nool gobolada Baay iyo Bakool, iyagoo ku riyoonayay iney mar uun arkaan 6 Gobol oo laga xukumo degmada Baydhabo.

Waxaa riyadooda naxuus ka dhigay is barbar yaaca ka yimid shirka, waxaadna moodaa siyaasiyiinta beesha Raxanweyn iney kala garan waayeen dadka 6da Gobol degan iney fahmayaan ama ku hadlaan Luuqada maayga oo goor walba looga qudbeeyo shirka iyo kasoo qeyb galayaasha martida shirka ee ka yimid 6da gobol ee qaarkood aysan ku hadlin luuqada Maayga oo ka ama kaaksan waxa meesha ka socda

Waxaa kasoo qeyb galayaasha shirka mar walba dhagahooda kusoo dhacaya unukoo ene beesha DIGIL IYO MIRIFLE oo aysan iyagu kamid aheyn loogu sheegaa in maamulka koonfur galbeed loo dhisayo beesha DIGIL IYO MIRIFLE

Waxaa isweydiin mudan hadii dadka shirka ka wada qeyb galay aysan aheyn DIGIL IYO MIRIFLE oo aysan aqoonin luuqada Maayga maxey shirkaas ka qabanayaan dadka aan beesha Baydhabo u dhalanin?

Arimahaan iyo arimo kale ayaa waxey keentay in Shariif sakiin uu xal moodo in Baay iyo Bakool lagu koobo maamulka shirka Baydhabo maadaama uu shirku ka dhamaan la yahay ku hadalka luuqada Maayga iyo DIGIL iyo MIRIFLE

Halka kooxda garabka aadan madoobe ay ku adkeeysanayaan in 6da Gobol ay joogaan dad luuqada Maayga ku hadla,, hadaba waxaa dad badan ay isweeydiiyeen maaygu inuu luuqad yahay ama qabiil yahay?

Sida luuqada maxaa tiriga oo ah luuqad ee aan aheyn qabiil

Waxaa lagu xantaa in is barbar yaaca shirka ay sabab u tahay Siyaasiyiinta hor boodaya arima shirka oo aan u bisleyn siyaasada isla markaasna aan lagu aqoon jirin maslaxa siyaasada Soomaaliya marka laga reebo Zoobihii geeriyooday:. Siyaasiyiintaan ayaa ay isaga qasmeen arimaha Qabiilka, Luuqada iyo Deegaanka

Hadaba Shirka aan is ogeyn ee Baydhabo maxaad u maleynaysaan inay kasoo bixi karaan?????

Wabilaahi Toowfiiq
Madaxweynaha Baraaweland State
Avv: Abdulrazak Omar N Shego

No comments:

Post a Comment