JAALIYADDAHA TUNNI, TOORE IYO LABATOL EE SOOMALIYA JOOGA IYO KUWA QURBO
JOOGTA AH OO HAMBALYO UDIRAY MADAX DHAQAMEEDYADDA SOOMAALIYEED
Baraaweland Press May 6 2012
Anagoo ah dhamaan qeybaha bulshadda ee deegaanada Gobolada shabeeladda
Hoose, Jubadda dhexe iyo Jubadda sare waxaan hambalyo udireynaa madax
dhaqameedyada Soomaaliyeed ee sida rasmiga ah shirkooda 5tii bishii uga
furmay magaalada Muqdishu.
Waxaan si gaara hambalyo ugu direynaa Suldaanka guud ee TUNNI, TOORE,
LABATOL Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Maye oo ka mid ah madax
dhaqameedka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya shirka uga furmay magaalada
Muqdishu
Waxaan madax dhaqameedka Soomaaliyeed kula dar
daarmeynaa iney si taxadar leh oo masuuliyadeed uga doodaan Dastuurka
qabyo qoraal si fakir badan iyo wada tashi ahna uga fiirsadaan qodobada
ka hadlaaya arimaha Federaalka isla markaasna ka fogaadaan waxyaalihii
ka dhacay Mbagathi oo kale.
Waxaan kaloo kula dar daarmeynaa
madax dhaqameedyadda Soomaaliyeed iney si xil kasnimo ah uga fiirsadaan
cida ay usoo xulayaan xildhibaanka Barlamaanka mar walbana la tashadaan
aqoonyahanka iyo wax garadka shacabkooda.
Ugu dambeyntii waxaan
ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed madaxdeeda ugu sar
sareeysa iney si niyad furnaan ah ula shaqeeyaan madax dhaqameedyadda
Soomaaliyeed lana tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka
Wabilaahi Toowfiiq
Jaaliyaddaha Reer Baraawe ee Soomaaliya iyo Qurbaha
waxaan aad uga xunahay in dad aan shaqo kulaheyn maamul usameynta deegaanada jubooyinka ay fara gelin ku hayaan, waa iney faraha kala baxaan, shacabka deeganaanka Baraaweland State waxey kamid yihiin dadka ugu horeeya ee deegaanaada jubooyinka ugu badan sidaa darteed diyaar ayey u yihiin ka qeyb qaadashada dhismaha deegaanadaas
ReplyDeletewax garadka Beesha TUNNI Baraaweland State