Muqdisho oo Maanta ka Bedelan Sidii hore iyo Shirkii Odayaasha Dhaqanka oo Furmaaya
May 5, 2012 by Baraaweland Press Muqdisho:-
Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka jirta xaalad ka
duwan tii horay loogu yaqaanay waxaana waddooyinka magaalada lasoo
dhoobay Ciidamo kala duwan kuwaasi oo sugaaya amniga xilli uu
furmaayo shirka Odayaasha dhaqanka.
Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis
maanta waxaa ka furmaaya shirkii ay Odayaasha dhaqanku kusoo xuli
lahaayeen Ergada ka qayb gelaysa shirweynaha lagu soo xulaayo
Xildhibaanada Baarlamaanka ee cusub ee dalka.
Waxaa siweyn loo adkeeyey amniga xarunta gaadiidka
oo shirku ka furmaayo, waxaana iminka kusoo qul qulaaya ergadii soo
xuli lahayd Xildhibaanada Baarlamaanka ee cusub.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb gelaaya 135- Oday
dhaqameed waxaana uu soconaaya inta ka horaysa 15-ka bishaan markaasi
oo si rasmi ah loo ansixin doono dastuurka cusub ee dalku yeelanaayo.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in maanta si rasmi ah
shirkaasi u furmaayo
Marka laga soo tago soo xulista xubnaha Baarlamaanka
cusub ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanku waxay akhriyi doonaan kana
doodi doonaan dhamaan qodobada dastuurka cusub, waxaana lagu wadaa in
kuwa muranka dhaliyey wax laga bedelo.
Waxaa siweyn loo adkeeyey amniga waxaana guud
ahaanba la xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ee degmada
C/casiis.
Ciidamo Dawladda katirsan oo isugu jira Nabadsugid,
Boolis, Meleteri, Ciidamada kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Alfa
Group iyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada sirdoonka ayaa lagu soo
daadiyey inta badan ee degmada C/casiis.
HALKAAN KA AQRISO NUXURKA KHUDBADIHII AY MADAXDA
QARANKA IYO HOGAANKA DHAQANKU KA JEEDIYEEN FURITAANKA SHIRKA MADAX
DHAQAMEEDYADA SOOMALIYEED MAANTA U FURMAY
Maanta oo ah maalinnimo Sabti ah taariikhda
Hijriyada Islaamkuna ay tahay 14-Jumadul-Aakhir-1433 Miilaadiyaduna
ay ku beegantahay 05-May-2012 waa maalin ku weyn shacabka
Soomaaliyeed guud ahaanba waayo waxaa si rasmi ah uga furmay
Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdishu Shirka Odayaasha Dhaqanka oo
iyagu isaga kala yimid guud ahaanba gobollada Dalka iyo dibadaba
kuwaasi oo soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka Dalka
islamarkaana soo xuli doona Baarlamaanka Cusub ayadoo shirka uu si
rasmi ah u furmay kadib Salaadii duhur ee xiliga Muqdisho.
Bilowgii Shirka ayaa waxaa goobta lagusoo bandhigay
Suugaan kala duwan oo ay soo bandhigeen fanaaniinta kooxda Heegan ee
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayadoo suugaantaasi ay isugu jirtay
Heeso,gabayo iyo Buraanbur kuwaasi oo ay si aad ah uga maqsuudeen
dhammaanba xubnihii hoolka ku sugnaa.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo
Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed
Jahweyn oo ugu horeyn Khudbad dheer ka jeediyey furitaanka Shirka
ayaa mahad celin ballaaran u jeediyey Odayaasha dhaqanka sida ay uga
soo qeybgaleen shirkan islamarkaana ay u taaganyihiin maslaxada iyo
danaha Umadda Soomaaliyeed.
Wasiir Jahweyn ayaa guul ku tilmaamay in maanta
magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan Muhiimad ballaaran u leh aayaha
Shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu kula dardaarmay dhaqanku iney kasoo
dhalaalaan Mas’uuliyadooda ayna u horseedaan dadkooda iney ka
gudbaan KMG oo dalku uu yeesho Dowlad rasmi ah.
Wasiirka Dastuurka,Dib u heshiisiinta iyo
Arrimaha Federaalka Mudane C/laahi Xoosh Jibriil oo khudbad ka
jeediyey kulanka ayaa ku dheeraaday marxalidihii kala duwanaa ee
uusoo maray Dastuurkan cusub iyo halgankii loosoo galay in odayaasha
Soomaaliyeed ay talada gacantooda kusoo laabato islamarkaana
shirarkii dibadda lagu qabanjirey loosoo weeciyo gudaha dalka laguna
qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe taasina ay guul tahay.
Wasiirku wuxuu ku dheeraaday qaar ka mid ah qodobada
Dastuurka cusub ku qoran oo ay dad dano gaar ah leh umadda si qaldan
ugu tarjumeen waxaana uu Wasiirku faahfaahin ka bixiyey qodobada
dadka sida qaldan loogu turjumay ama laga been sheegay qodobadaasi oo
kala ah qodobada ka hadlaya In Dastuurkan uu aas aas u yahay ku
dhaqanka Shareecada Islaamka,Jinsiyadda iyo xuquuqda Sinnaanta
waxaana uu xusay in qodobadaasi sida loo turjumay xaqiiqda ay ka
fogtahay.
Wasiirku wuxuu la dardaarmay Odayaasha dhaqanka oo
uu tilmaamay iney saarantahay Mas’uuliyad weyn maadaama aayaha
dalka uu gacantooda ku jiro isaga oo tusaaale usoo qaatay in
marxalada uu maanta dalku marayo ay la mid tahay kana adagtahay
marxaladihii lasoo maray 1960kii waayo xiligan waxaa dalka la
doonayaa inuu ka gudbo gumeysi Qabqable,Gumeysi Shabaab iyo gumeysi
fikir.
Suldaan Xasan Xaaji Maxamed Guulwade oo ay
Umadda Soomaaliyeed si aad ah u wada yaqaanaan islamarkaana ah
abwaanka sameeyey heesta (Samadiidoow Dabinbaa kuu dhigan
Laguugu Dili Doonaa) ayaa Madasha ka jeediyey khudbad waxaana uu
muujiyey sida ay lagama maarmaan u tahay Midnimada Umadda
Soomaaliyeed isaga oo Shirkana kusoo bandhigay Hees Cusub oo uu ku
muujinayo Midnimada Umadda iney muqadas tahay oo la doonayo in laga
gudbo kala ququbnaanta iyo kala go’go’a .
“Dastuurku waa Danteenna,Dasuurku Waa
Midnimadeenna,Dastuurku waa wadajirkeenna iyo Isku duubni wadajir ah
dalka iyo dadkuu u horseedayaa Dastuurku” ayuu Suldaan Xasan Xaaji
Maxamed Guulwade kusoo gebagebeeyey hadalkiisa iyadoo ereyadaasina ay
la jiiwinayeen Fanaaniinta iyo Qeybaha kala duwan ee ku sugnaa Hoolka
Shirarka ee dugsiga General Kaahiye.
Ugaaas C/laahi Ugaas Faarax oo isaguna kamid
ah Ugaasyada Beelaha Soomaaliyeed oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda
Furitaanka Shirka ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey Muhiimadda
uu Shacbiga Soomaaliyeed u leeyahay waxaana uu xusay in Shirkan uu
guud ahaanba Umadda ka dhaxeeyo waxaanha uu nasiib daro ku tilmaamay
in qaar ka mid ah Soomaalida ay u taaganyihiin weli iney dhibaatada
dadka kusii haayaan ayagoo danahooda fiirinaya waxaanna uu ka
codsaday dadkaasi iney Alle u laabtaan.
Ugaas C/laahi Ugaas Faarax waxa uu ka hadlay
Dastuurkan cusub ee ku xeran aayaha Umadda isagoo xusay in la doonayo
Shacabka iney ogaadaan in dadka goobta ku sugan ay yihiin Hormuudkii
Bulshada wax wax u dhimayana Shacabka Soomaaliyeed,sharafkooda iyo
Midnimadoodana aysan usoo qaadeyn ama ansixineyn balse Shacabka
dhankooda laga doonayo ineysan u dheg raaricin dadka jahwareerinaya
ayagoo danahooda gaarka ah fiirsanaya waxaanna uu Alle ka baryey in
Dastuurkaan uu ka dhigo mid umadda u horseedo Wanaag,horumar iyo
Barwaaqo.
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Cali Shire oo
ka mid ah Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed oo isaguna Munaasabadda
Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn maanta ku tilmaamay iney tahay
maalin aad muhiim ugu ah shacbiga,madasha la fadhiyana ay tahay goob
aayihii dalka looga arinsanayo waxaana uu Shacbiga Soomaaliyeed ku
booriyey iney Dowladooda garab istaagaan isagoo dhanka kalena xusay
in Dastuurkaan uu yahay mid waafaqsan Shareecada Islaamka sidaasi
darteedna uu Alle ka rajeynayo inuu ku guuleeyo ansixintiisa
islamarkaana uu Umadda quluubtooda iskusoo dummo.
Suldaan Warsame Ibraahim Caliyoow Ibroow oo
isaguna ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed oo Khudbad ka jeediyey
Madasha ayaa ugu horeyn tilmaamay in maanta ay nasiib weyn tahay in
Hogaankii dhaqanka Umadda oo isku duuban ay Muqdisho uga tashadaan
aayaha dalka islamarkaana ku ansixiyaan Dastuurka waxaana uu fariin u
diray dhinacyada Siyaasadda oo uu weydiiyey iney mudantahay inuu
isweydiiyo qof walba oo siyaasi ah waxa uu u qabtay Shacabkiisa iyo
dalkiisa mudadii 10ka sano ka badan ee uu hortaagnaa,madaxda
Dowladuna waxa uu ku booriyey inay Cadaallad dadkooda ku hogaamiyaan
isagoo ugu dambeynna Dhaqanka ugu baaqay iney ka fikiraan oo ay
xaqiijiyaan qofka ay usoo xulayaan xubinnimada Baarlamaanka waxaana
uu sidoo kale fariin u diray Qurbojoogta oo uu ugu baaqay iney
dalkooda kusoo laabtaan oo ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo
horumarka Dalkooda.
Suldaan Axmed Jaamac oo isna Salaadiinta
Beelaha Soomaaliyeed ka tirsan ayaa Khudbad kooban oo uu xafladii
furitaanka ka jeediyey ayuu ugu horeyn Alle ka baryey inuu Umadda
Soomaaliyeed dhibaatada ay mudada 20ka sano ka badan kusoo dhexjiraan
waxaana uu dhaqanka ku booriyey iney gartaan Mas’uuliyadooda hadii
aysan dhaqanku si Alle ka cabsi ah u gudanna waajibkooda ay Umadda
dhibaato u horseedi doonaan,si gaar ahna wuxuu Suldaan Axmed Jaamac
ugu dardaarmay in Qabiilka la is aaso oo Qarannimada la wada adkeeyo
maadaama uu maanta halkaa ina dhigay.
Suldaan Ibraahim Suldaan Cali oo isaguna ka
mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo khudbad ka jeediyey
dhankiisa Munaasabadda furitaanka Shirka Dhaqanka Soomaaliyeed
waxaana uu xusay in Laba qodob ay muhiim tahay fulintooda si looga
gudbo KMG kuwaasi oo kala ah in Dastuurka wixii qaldan eek u jira la
saxo iyo odayaasha looga baahanyahay waxay gaaraan iney fuliyaan.
Imaam Maxamed Yuusuf oo isaguna Khudbad ka
jeediyey Munaasabadda Furitaanka ayaa ugu horeyn Odayaasha Dhaqanka
kusoo dhaweeyey Muqdisho oo ay hada Masiirka Umadda u fadhiyaan
dareen ahaanna uu ka duwan yahay shirkan shirar dhowr ah oo uu dalka
dibadiisa uga qeybgalay waxaana uu Alle ka baryey inuu dhaqanka
howshooda ku guuleeyo ayna ballan qaadayaan wixii fiican iney Umadda
usoo qaadayaan wixii xunna ay ka celinayaan.
Maryan Mahad Xuseen oo iyaduna ku hadashay
magaca ururrada Bulshada rayidka khudbad koobanna ka jeedisay
Munaasabadda Furitaanka Shirka ayaa tilmaantay in Haweenka
Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Bulshada rayidka ay u taaganyihiin ka
qeybgalka horumarka Dalka islamarkaana ay guul tahay in maanta
Caasimadda Muqdisho Dastuurka dalka lagu ansixiyo waxaana ay ugu
dambeyntii ku guubaabisay dhaqanka iney ka hortagaan wixii khilaaf
keeni kara cid walbana xuquuqdeeda cadaallad lagusiiyo cidna aan lagu
xadgudbin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo Khudbad ka jeediyey
Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay iney farxad u tahay inuu
maanta soo hor istaago guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed oo maanta
dalka gudihiisa isugu yimaada hadana ka tashanaya aayahooda tanina ay
tahay mid aanay dalka ka dhicin mudadii uu burburku dalka ka jiray
waxaana uu Shacabka reer Muqdisho ku guubaabiyey sida ay usoo
dhaweeyeen martida aayaha dalkooda ka tashaneysa.
“Waxey meelkasta uga yimaadeen hogaanka Umadda
iney aayaha dalkooda ka tashadaan iyo sidii dalkooda KMG ay ugasaari
lahaayeen una horseedi lahaayeen Dowlad guud,in odayaasha Dhaqanka
talada iyo aayaha dalka in gacantooda lagusoo celiyana ay tahay guul
aad u weyn”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Wasiirka ayaa xusay in Soomaalidu mudooyinkaan ay ku
caanbaxday in waxwalbo oo umadda loo qabanayo hadii qofka uu tiisa ka
waayo inuu yiraahdo looma dhammo kaasina uu yahay mid la mid ah kuwa
qoriga sita ee aanay Shacbiga Soomaaliyeed la dooneyn iney nabad
helaan taasina maanta ay Umaddu garaneyso aayahooda,dantooda iyo
horumarka Dalkooda ku jiro waxaana uu ugu dambeyn guud ahaan Umadda
ku guubaabiyey iney u wada istaagaan Sugidda Ammaanka Dalka.
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku
hadashay magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa ugu
horeyn shirkan ku tilmaantay fursad in mudo ah ay raadinayeen
Shacbiga Soomaaliyeed maadaama waqti badan la baadigoobayey in dalka
uu ka gudbo KMG taasina maanta ay nasiib u yeelatay Dowladda haatan
jirta ee uu Madaxweynaha u yahay Mudane Shariif Sheekh Axmed
islamarkaana uu Ra’isulwasaare ka yahay Mudane C/weli Maxamed Cali
Gaas waxaana ay uga mahad celisay Dhaqanka Soomaaliyeed sida ay isugu
yimaadeen iney hogaanka u qabtaan aayaha Dalkooda oo ay soo xulaan
ergadii ansixinlaheyd Dastuurka cusub islamarkaana soo xulaan
Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo waxaana hadalkeeda ay kusoo
gebagebeysay fariin Suugaaneed ay cinwaan uga dhigtay”SOOMAALAAY
ISDABA QABO OO DASTUUR QAADO”.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka
Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr C/casiis Sheekh Yuusuf oo
isaguna Khudbad ka jeediyey Munaasabadda Furitaanka shirka ayaa ugu
horeyn tilmaamay in maanta ay xagiisa ku tahay maalin farxadeed intii
uu usoo joogay shirar Soomaaliya loo qabto Shirkan oo kale uusan arag
waxaana uu xusay in taasi ay ku timid dadaalka Madaxda Qaranka oo uu
ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,hogaamiye Dhaqameedyadana
iney isasaaraan Xil gooni ah.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka
Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa oo isagu
Khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda Furitaanka Shirka Odayaasha
Dhaqanka ayaa ku tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah
Shacbiga Muqdishana ay nasiib u yeesheen iney martigeliyaan Shirka
aayaha dalkooda looga arinsanayo.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaguna Khudbad
kooban ka jeediyey Xafladda furitaanka Shirka ayaa ugu horeyn xusay
in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo bilow u ah isbedel
ballaaran oo dalka ka hanaqaada,Dhaqankii Soomaaliyeedna ay ku
dhanyihiin Caasimadda loogana fadhiyo iney si hufan uga fikiraan
aayaha dalkooda.
“Waxaan maanta joognaa marxalad cusub oo aayaha
dalkeenna aan si nabad ah Muqdisho uga hadleyno,Sptember 06 ayey
aheyd markii madaxda Soomaalidu ay saxiixeen in aayaha dalka loo furo
dhabo cusub waana farxad weyn in aan maanta Muqdisho isugu nimid
sidii uu dalku u yeelan lahaa Dowlad Cusub”ayuu yiri Ra’isulwasaare
C/weli Maxamed Cali Gaas.
Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay dhanka kale in
Soomaaliya aysan mudo 21sano ah laheyn wax dowlad ah balse 12kii sano
ee lasoo dhaafay dalka ay ka jireen Dowladdo KMG ah oo aanay iyagu
aduunka xitaa heshiis la geli Karin balse Xukuumaddu ay ka dhabeysay
qodobadii la saxiixay 06September taasi oo maanta loo fadhiyo
dhabihii looga gudbayey Marxalada kala guurka.
Sidoo kale Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa
uu si kooban u sharaxay 8dii bilood ee lasoo dhaafay waxyaabaha ay
xoogga saartay Xukuumadda haatan jirta waxaana uu xusay in waxbadan
oo ay Ammaanka ugu horeyso wax laga qabtay iyo dhameystirka
Dastuurkan cusub oo Diinta Islaamka ay saldhig u tahay,Diin aanan
aheyn Islaamna dalka ka jiri Karin hadana weli Umaddu u furantahay
inay qabyo qoraalka Dastuurkan wax ka bedeli karaan.
Ra’isulwasaaraha waxa uu dhanka kale ku dheeraaday
marxalada maanta la joogo iney muujineyso sidii dalka uu ku yeeshay
Dastuurkii 1960kii kaasi oo ay markiisii hore ansixiyeen Ergey kooban
Sanad kadibna Shacabka afti looga qaaday,maantana ay ansixindoonaan
marka hore Ergey gaareysa 825 oo qeybaha bulshada la tashiyo la
sameynaya kadibna marki cadawga dalka laga xoreeyo afti shacabka
looga qaadayo.
Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa uu mahad
ballaaran u celiyey Geesiyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya
oo iyagu u istaagay iney dalka Cadawga ka xoreeyaan islamarkaana ay
iyagu sabab u yihiin guusha maanta la taaganyahay waxaana uu ugu
dambeyntii Ra’isulwasaaruhu la dardaarmay Odayaasha Dhaqanka oo uu
kula dardaarmay iney si gaar ah uga fikiraan Cida ay usoo xulayaan
Masiirka Umadda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna khudbad ka jeediyey Xaflada
Furitaanka Shirka Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu horeyn Dhaqanka
Soomaaliyeed kusoo dhaweeyey Muqdisho iyo Shirkan qiimaha leh waxaana
uu Alle uga mahad celiyey Fursadan uu maanta Umadda Soomaaliyeed
gacantooda kusoo celiyey aadna uu ugu faraxsanyahay islamarkaana uu
rajeynayo in Odayaasha Dhaqanku ay soo saaraan Dowlad Cusub oo dalka
Hanata,waxbadanna u qabata Dadka.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhanka kale u
mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Afrika
ee taageeraya waxaana uu xusay in Dastuur la’aan ay tahay Dowlad
La’aan,Dowlad La’aanna ay tahay nin in nin walba oo xoogiisa
socdo taasina dhibaatadeeda lasoo arkay.
Ugu dambeyntii waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu
baaqay qeybaha Bulshada iney taageeraan Dastuurkaan iyo hanaanka hada
socda lagamamaarmaanna ay tahay in lagu wada qanco danta Guud,loona
tanaasulo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Khudbad ka jeediyey
Xaflada ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay inuu jecelyahay inuu
odayaasha dhaqanka kusoo dhaweeyo Caasimadda waxaana uu yiri”kusoo
dhowaada magaaladiinii”.
“Maanta waa maalin taariikhi ah oo ay Umadda
Soomaaliyeed u diyaar garoobeyso iney ka gadubto marxalad kala guur
ama KMG ayna u gudbaan marxalad Caadi ah taasina waa wax ay xaq u
leeyihiin”ayuu Yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale si
kooban uga sheekeeyey dhibaatada ay leedahay KMG sidaasi darteedna ay
lagama maarmaan tahay in si dhibaatadaasi looga gudbo isna laga gudbo
KMGnimada shirkanna uu bilowyahay sidii marxaladaasi looga gudbi
lahaa.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha Dhaqanka ee
ku kulansan Muqdisho ay yihiin Dhaqankii saxda ahaa islamarkaana
aysan shaki ku jirin in Umadda Soomaaliyeed ay ku qanacsanyihiin waxa
ay soo xulaan iyo waxa ay ansixiyaanba waxaana uu xusay inuu
rajeynayo iney ku guuleysan doonaan howshooda.
Mar uu Madaxweynuhu ka hadlay Dastuurka ayuu yiri”
majirto umad noolaan karta Dastuur La’aan lagasoo bilaabo markii
aynu xurnimada qaadanay ilaa hadana aan raadineyno,qabyo qoraalka
Dastuurkana sida Ra’isulwasaaruhu sheegay hada ayaa nalasoo
gaarsiiyey sidaasi darteed waxaan gaarsiin doonnaa guud ahaanba
Shacabka dhinac walbo”
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale
xusay in Marxaladda la marayo maanta ay tahay marxalad wanaagsan oo
aynu u taagannahay Dowladnimo iyo Waxdhisid,Dowladnimaduna ay tahay
waxa qof walba uu ku helayo Xaqiisa si siman oo Cadaallad ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Dastuurkan uu
aaminsanyahay inuu waxbadan oo wanaag iyo horumar ah dalka iyo dadka
u horseedi doono waxaana uu u mahad celiyey dhammaanba xubnihii ku
howlanaa qabyo qoraalka Dastuurka.
Mar uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed soo hadal
qaaday hirgelinta Road-mapka ayaa ayaa sheegay in hirgelintiisu ay
meel wanaagsan mareyso maadaama maanta shirka furmay lagusoo xuli
doono ergada ansixindoonta Dastuurka kadibna Baarlamaan cusub ay soo
xulaan sidoo kalena ay Dowladdu ku guuleysatay Dhismaha Ciidammada
Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa soo hadal
qaaday in Siyaasadda hada socota hanaankeeda uusan cidna ka xirneyn
oo qof walba oo Soomaali ah ay u furantahay xaqna uu u leeyahay balse
dadka qaarkood sida ay wax ku raadinayaan aysan habooneyn
islamarkaana aysan aheyn wax wanaagsan in ayadoo dan siyaasadeed la
fiirsanayo dadka fowdo iyo burbur loo horseedo taasina natiijada ay
leedahay ay Umadda ka dheregsantahay maanta.
Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh
Axmed ka hadlay barnaamijyada horumarinta ah ee dalka lagu
hormarinayo ee ay Dowladdu wado waxaana uu xusay in Dowladdu hada ay
ka go’antahay dhameystirka horumarinta dalka oo ay ugu horeyso
KMGnimada oo dalka laga saaro islamarkaana maanta ay Shacabka
Soomaaliyeed iftiinkeedii haayaan maadaama ay jiraan horumarro laga
gaaray dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda, arrimaha Bulshada iyo dhinacyo
kale badan horumarradaasina ay horseedeen in dalka lagu qabto shirkan
maanta,dowladihii horey dalalkooda ugu martigelin jireyna Shirarka
Soomaaliya quseeyana ay maanta mudan yihiin Mahad celin.
Baraaweland Press waxey idiin soo gudbindoontaa
liiska magacyadda madax dhaqameedyada sida rasmiga ah loo aqoonsadaey
ee ka qeyb galay shirkii maanta uga furmay Xarunta gaadiidka Booliska
ee degmada C/casiis
Goor walba iyo meel walba wararka kala soco
Baraaweland Press
wariye Maxamed Maliice
Muqdishu
baraawelandpress@hotmail.com

No comments:
Post a Comment