SHIR LOOGA HADLAYO XOREYNTA GOBOLKA SHABEELADA
HOOSE OO LAGU QABTAY MAGAALADA NAIROBI
8 December 2013
Shir ay soo abaabuleen jaaliyada ku dhaqan dalkan
Kenya ee kasoo jeeda gobolka shabeelada Hoose gaar ahaan degmooyinka Baraawe, Sablaale,
Jilib iyo deegaanada ku xeeran ayaa galabta lagu qabtay magaalada Nairobi ee
xaafada ilsii.
Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay
Madaxweynaha Maamulka Baraaweland state Mudane AVV: Abdulrazak OMAR, iyo wax
garad kale oo katirsan dhalin yaro isugu jira rag iyo dumar.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay
arimo khuseeya Gobolka Shabeelada Hoose oo ay ka mid yihiin
· 1.
Heysashada Gobolka ee kooxaha khawaarijta Al-shabaab
· 2. Sidii kooxahaas gobolka looga saari lahaa
· 3. Sidii dib loogu soocelin lahaa dadkii bara kacayaasha
ee horay uga barakacay deegaanka
·
4. Wax barasho la aanta gobolka ka jirta
·
5. Dar yeel la aanta Caafimaad ee gobolka ka jirta
· 6.
Mideynta dhalinyarada gobolka iyo suurta galnimada in
lagu dhawaaqo urur dib looga xoreynaayo haraadiga kooxaha khawaarijta
Al-shabaab ee deeganada gobolka ka dhigtay fariisimo
Wada hadal dheer kadib waxaa
shirkaa dhalinyarada ay isku af garteen:
1. In Dowlada
Federaalka ay ciidamo dhalinyarada
deegaanka ah ku darto ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM iyadoo Dowlada kala
tashaneysa madaxda deegaanaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Baraawe iyo
deegaanada kale ee ku xeeran ee cadowga gacanta weli ugu jira
2. In dadka u
dhashay deegaanada Baraawe iyo nawaaxigeeda ay isu soo baxyo ka dhigaan LONDON,
AMERIKA, SOOMAALIYA si ay u muujiyaan afkaartooda ku wajahan xoreynta Gobolka
sh. Hoose
3. In xildhibaanada iyo siyaasiyiinta u dhashay
deegaanada gobolka ay si wada jir ah u taageeraan shirkaan ka dhacay Nairobi
iyagoo tix raacayana Go’aanada shirka
kalana hadlaan Dowlada Federaalka Soomaaliya
Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka
hadlay madaxweynaha Baraaweland State mudane Avv: Abdulrazak OMAR oo soo
dhaweeyay banaan baxyadii dhawaan ka dhacay N0 50 ee looga soo horjeeday
Heysashada kooxaha khawaarijta ee degmada Baraawe, mudane Abdulrazak ayaa inaa
ku daray in Baraawe ay halis ugu jirto duulaamo kaga yimaada xaga bada, cirka
iyo dhulka oo lagu beeg sanaayo argagixisada caalamiga ah ee gabaadka ka
dhigtay Deegaanka Baraawe.
Ugu dambeyntii ayaa mudane
Abdulrazak wuxuu ugu baaqay in midoowga dhalinyarada ee deegaanka ay tahay talaabooyinka
dagaal ee dhabar jabka ku ah kooxaha khawaarijta Al-shabaab
Dowlada Federaalka aad ayaanan u
taageereynaa wada shaqeyn wacan