Sunday, 6 May 2012

JAALIYADDAHA TUNNI, TOORE IYO LABATOL EE SOOMALIYA JOOGA IYO KUWA QURBO JOOGTA AH OO HAMBALYO UDIRAY MADAX DHAQAMEEDYADDA SOOMAALIYEED

Baraaweland Press May 6 2012

Anagoo ah dhamaan qeybaha bulshadda ee deegaanada Gobolada shabeeladda Hoose, Jubadda dhexe iyo Jubadda sare waxaan hambalyo udireynaa madax dhaqameedyada Soomaaliyeed ee sida rasmiga ah shirkooda 5tii bishii uga furmay magaalada Muqdishu.

Waxaan si gaara hambalyo ugu direynaa Suldaanka guud ee TUNNI, TOORE, LABATOL Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Maye oo ka mid ah madax dhaqameedka Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya shirka uga furmay magaalada Muqdishu

Waxaan madax dhaqameedka Soomaaliyeed kula dar daarmeynaa iney si taxadar leh oo masuuliyadeed uga doodaan Dastuurka qabyo qoraal si fakir badan iyo wada tashi ahna uga fiirsadaan qodobada ka hadlaaya arimaha Federaalka isla markaasna ka fogaadaan waxyaalihii ka dhacay Mbagathi oo kale.

Waxaan kaloo kula dar daarmeynaa madax dhaqameedyadda Soomaaliyeed iney si xil kasnimo ah uga fiirsadaan cida ay usoo xulayaan xildhibaanka Barlamaanka mar walbana la tashadaan aqoonyahanka iyo wax garadka shacabkooda.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed madaxdeeda ugu sar sareeysa iney si niyad furnaan ah ula shaqeeyaan madax dhaqameedyadda Soomaaliyeed lana tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka

Wabilaahi Toowfiiq
Jaaliyaddaha Reer Baraawe ee Soomaaliya iyo Qurbaha

Saturday, 5 May 2012




Waxaa kooxda alshabaab oo hanjabeyso xubnaha ansixinaayo Dastuurka cusub lagu soo waramayaa in sulaadiin uu ka mid yahay kuwa gacan kurimiska ah oo iyagu ka tirsan kooxdaas alshabaab in ay olole ugu jiraan ka mid noqoshada sulaadiinta soo xuli doona xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya

hadaba sida aan wararka ku heleyno ayaa waxaa la sheegay in faqi sayid faqi uu ka mid yahay dadka sida dhiiran u aaminsan kooxda alshabaab.

ilo ku dhaw dhow Dowlada oo aan la xiriirnay ayaa waxey noo sheegeen iney baaritaano kusameyn doonaan cid walbo oo looga shaki qabo arimahaas
Mad maliice